Safaricom oo sannadkan ku guulaysatay shirkadda ugu wanaagsan ee loo shaqeeyo

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sannadkan 2019-ka ku guulaysatay abaalmarinta la bixiyo ee lagu eego xarunta ugu wanaagsan ee laga howlgalo.
Waxaa abaalmarinta bixiya xariirka shaqaalaha dalka ee FKE.
Barnaamijkan ayaa la billaabay sannadkii 2017-kii waxaana looga gol leeyahay in shirkadaha kala duwan uu ka dhex jiro jawi wanaagsan marka la eego sida loola macaamilo dadka ka howlgalo.
Guusha Safaricom ayaa looga dhawaaqay maqaayadda Radisson Blu Hotel ee magaaladatani Nairobi.
Madaxa fulinta ee shirkaddan Michael Joseph, ayaa hoosta ka xarriiqay in tani aynan suurtageli lahayn haddii shirkaddu aynan taageero buuxda ka helin shaqaalaheeda, hay’adaha ay iskashadaan iyo macaamiisha sidaasi awgeedna ay ka mahadcelinayaan.
Waxyaabaha shirkadda lagu ammaanay waxaa ka mid ah isku dheeli tirka shaqaalaha marka la eego jinsiyadda taasi ah oo ah boqolkiiba 50:50 halka dadka naafada ee ay Safaricom shaqaleysiiyay ay yihiin boqolkiiba 2.1 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here