Safaricom oo soo bandhigtay adeegyo aan dhammaad lahayn

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa maanta shaaca ka qaadday adeegga lagu isticmaalo intarneetka ee Daatada, wicitaanka iyo fariimaha gaaban oo aan lahayn taariikh cayiman oo la adeegsan karin.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale qareen lagu magacaabo Adrian Kamotho uu guddiga isgaarsiinta u bandhigay dacwad ka dhan ah shirkadaha Safaricom iyo Airtel.
Mr. Adrian ayaa doonaya in labadan shirkadood lagula xisaabtamo sababta macaamiishooda aynan fursad ugu siin isticmaalka adeeg waqtigiisu dhammaan.
Qorshaha cusub ee Safaricom ayaa si dhaqsa ah u dhaqangalay waxaana ka faaiidaysanaya 33 milyan oo macaamiil ah.
Waxay tani micnaheedu tahay in qofku uu kaar ama daata iibsan karo xita haddii lacag hal shilin ah ay ugu jirto taleefoonkiisa gacanta.
Madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sheegay in qofka adeeggan doonaya uu garaacayo *544# waxaa uuna helaya boqolkiiba 50 muddo dheeraad ah oo uu ku hadli karo.
Hasa ahaate shirkadda meesha kama aynan saarin adeegyadii hore ee lahaa muddo kama dambeys ah iyadoo marka aad nambarkaasi garaacyo ay kuu soo baxayaan qaababka si aad u kala xulato.
Bishii saddexaad ee sannadkan ayay ahayd markii Safaricom oo la billaabay sannadkii 2000 maantana u dabbaaldagaysa sannadguuradii 19-aad ay sheegtay inay heshay faaiido dhaqaale oo dhan 63 bilyan oo shilin.
Waxay maanta sheegtay in laga billaabo koowda bisha Novembar ee sannadkan macamiisha cusub ay helayaan laayn ama lafta taleefoonka gacanta la geliyo oo cusub oo bilaash ah iyo nambarka aad jeceshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here