Safaricom oo soo saartay adeeg cusub oo dhanka intarneetka ah

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa soo bandhigtay adeeg cusub oo la xiriira isticmaalka intarneetka oo ay ugu talagashay macaamiisheeda.
Macaamiisha Safaricom ayaa la siinaya daata dheeraad oo bilaash oo 500MB ah maalin kasta marka uu qofku iibsado mid aan dhammaanayn.
Adeeggan ayaa loogu magacdaray ‘Browse Bila Waas,’ oo ay micnaheedy tahay Khadka isticmaal walwal la’aan.
Barnaamijkan ayaa jiraya ilaa 19-ka bisha 11-aad ee sannadkan waxaana la isticmaali karaa ilaa saqda dhexe ee habeenimo ee maalinka uu qofku daatada iibsado.
Madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Peter Ndegwa ayaa sheegay in adeeggan uu qayb ka yahay fursadaha dheeraadka ee dhanka intarneetka oo ay shirkaddu ugu talagashay macaamiisheeda.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here