Safaricom oo xirtay qaar ka mid ah xarumaheeda

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay si ku meel gaar ah albaabada isugu dhufatay dukaamo ay ku lahayd deegaanka Nyali iyo dhismaha RexHouse oo labaduba ku yaalla Mombasa.
Sido kale waxay shirkadda xirtay xarumaheeda Thika ee ismaamulka Kiambu iyo xaafadda Lavington ee Nairobi.
Tallaabadan ayaa loo aaneeyay in Safaricom ay doonaysa inay buufiso goobahaas si looga hor tago faafitaanka fayraska corona.
Madaxa fulinta ee Safaricom Peter Ndegwa, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan tallaabadan maadaama ay ku baraarugsanyihiin khatarta cudurka Covid-19.
Qoraalka shirkadda ayaa lagu sheegay in xarumaha maanta la xiray dib loo furi doono maalinka khamiista taariikhduna ay tahay 11-ka bishan.
Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa macaamiisheeda ka raaligelisay culeyska laga yaabo inuu go’aankan ku keeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here