Safiiradda dalka ee Kuuriyada Koonfureed oo dacwad ka gudbisay baarlamaanka

Maxkamadda sare ee dalka qeybteeda qaabilsan dhageysiga kiisaska la xariira arrimaha dastuurka ayaa loo gudbiyay dacwad ka timid Ms Mwende Mwinzi oo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu u magacaabay inay noqoto safiirka Kenya ku matalo Kuuriyada Koonfureed.
Waxaa uu muran ka taaganyahay jinsiyadeeda maadaama ay ku dhalatay Maraykanka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii baarlamaanka uu wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda Dr. Monica Juma ka dalbaday inay faahfaahin ka bixiso in Ms Mwende ay diyaar u tahay inay ka tanaasusho muwaadinimada Maraykanka.
Hasa ahaate safiiradda ayaa maxkamadda aadday waxayna ku doodaysa in go’aanka baarlamaanka uu sharci darro yahay.
Waxay sido kale sheegtay in iyada shakhsi ahaan aynan qeyb ka ahayn go’aankii keenay inay Maraykanka ku dhalato.
Ms. Mwende ayaa xustay inay dareemeyso in xuquuqdeeda lagu tumanayo maadaama laga dalbaday inay ka tanaasusho arrin aynan markii hore go’aankeeda qaadan.
Go’aanka maxkamadeed ee kiiskan ka soo baxo waxaa uu kala caddeyn doonaa in carruurta waalidiinta Kenyaanka ah ay dibadda ku dhaleen ay xaq u leeyihiin inay qabtaan xilalka hoggaanka ee dalka.
Kiiskan ay maxkamadda geysay ayay doonayso in sido kale wax laga weydiiyo wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr.Monica Juma iyo xeer ilaaliyaha guud Mr.Kihara Kariuki oo dowladda u qaabilsan talasiinta dhanka sharciga.
2-dii bishii shanaad ee sannadkan ayay ahayd markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu Ms Mwinzi u soo magacaabay safiiradda Kenya ee Kuuriyada Koonfureed.
Waxaa uu qorshuhu ahaa inay beddesho Maxamad Abdi Gellow oo sanado xilkaasi hayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here