Safiiradda Kenya ee shiinaha oo ka hadashay Caabuqa Coronavirus

Safiiradda Kenya ku matasho dalka Shiinaha horayna u soo noqotay guddoomiyihii guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC , Sarah Serem ayaa shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ugu baaqday inay hakiso duulimaadyada ay wadankaas ku tagto.
Waxay hoosta ka xarriiqday in loo baahan yahay in KQ aynan wax safar ah Shiinaha ku tagin ilaa iyo inta laga xakameynaya cudur sidaha saameynta yeeshay.
Sido kale waxay carrabka ku dhufatay inaynan wax micno ah lahayn in la soo daadgureeyo muwaadiniinta Kenyaanka ee Shiinaha ku nool kaddibna la keeno dalka maadaama halis weyn ay horseedi karto.
Safiiradda ayaa ku nuuxnuuxsatay in dowladda Kenya ay si dhow ula socon doonto xaaladda muwaadiniinteeda ku sugan Shiinaha gaar ahaan magaalada Wuhan.
Hadalka Sarah Serem ayaa ku soo aadaya hal maalin un kaddib markii arday wadanka u dhashay oo ka soo laabtay Shiinaha lagu karantiilay isbitaalka qaran ee Kenyatta.
Hasa ahaate wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa xustay inuunan jirin walaac hadda la doonayo in la muujiyo.

Dhanka kale waxaa baaritano laga sameeyay ismaamulka Kakamega kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qaar ka mid ah muwaadiniinta Shiinaha ee halkaas ka wado fulinta qandaraasyada dhanka mashaariicda ah ay qabaan caabuqa Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here