Safiirka Ingiriiska ee Kenya oo weli is -karantiilaysa

Safiiradda Ingiriiska ku matasho dalka ,Jane Marriot ayaa qoraal ay saacado ka hor soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitarka waxay ku sheegtay inaynan weli u dhammaan muddo 14 cisho ah oo ay karantiil sameeynayso.
Berri ayaa ugu dambeysa tallaabadan ay soo wadday maalmihii la soo dhaafay kaddib safar ay kaga timid Ingiriiska.
Qoraalka ay Twitarka soo dhigtay ayaa waxaa ku xusan inay gurigeeda ku sii sugnaan doonto 36 saacadood oo dheeraad ah.
Dhammaan muwaadiniinta Ingiriiska ee ku nool gudaha wadanka ayay sheegtay in laga doonayo inay qaataan talada Dowladda ee ah in qofku uunan bulshada soo dhexgelin hadii uu dhawaan ka yimid waddan lagu arkay cudurka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here