Safiirka Ingiriiska oo ka hadlay sababaha uu isku casilay

Safiirka Britain ee Mareykanka Kim Darroch ayaa shalay ku dhawaaqay inuu is casiley, islamarkaasina uu sheegey in ay adag tahay in uu sii wato shaqadiisa, kaddib markii uu khilaaf dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
War uu soo saaray Darroch ayuu ku yiri “Inkastoo uusan booskeyga shaqo uu ku eg-yahay illaa iyo laga gaaro dhammaadka sanadkan, haddana, waxaan aamisannahay xaaladdan lagu jirto darteed, inaan aqbalo in la soo magacaabo danjire cusub.”
Darroch, waxa uu ahaa dibloomaasi sare oo Britain u joogey Washington tan iyo 2016.
Safiirka Britain ayaa Trump cambaareyay isagoo ku eedeyay in uu yahay qof aan caqli lahayn sido kalena aan laheyn wax xirfad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here