Safiirka Maraykanka ee dalka oo soo dhaweeyay warbixinta BBI

Danjiraha dowladda Maraykanka ku matalo dalka Ambasadoor Kyle McCarter ayaa sheegay inay tahay arrin lagu farxo hor u socodka muuqdo ee Kenya.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay warbixintii guddiga BBI ee shalay si rasmi ah loo soo bandhigay.
Safiirka ayaa xusay inay jiraan dad shaki ka qabo waxyaabaha warbixinta ku qoran balse la doonayo in siyaasiyiinta ay ka dhabeyaan waxyaabaha ay marar qaar sheegaan.
Mr. Mc Carter ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ee wadanka ku booriyay inay diiradda saaraan oo keliya u adeegidda bulshada.
Kenya ayuu carrabka ku dhuftay in looga baahan yahay inay wadamada Kale ee Afrika u tilmaanto sida horumar iyo barwaaqo lagu gaaro.
Dalalka bariga Afrika ayuu sheegay inay ku tiirsan yihiin horumarka, midnimada iyo xasiloonida Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here