Safiirka Maraykanka ee Kenya oo soo saaray baaq ka dhan ah musuqmaasuqa

Safiirka dowladda Maraykanka ku matalo Kenya Ambasadoor Kyle McCarter ayaa shacabka ugu baaqay in maamulka talada haya ee Jubilee ay garab ku siiyaan dagaalka xooggan ee uu kula jiro falalka musuqmaasuqa.
Waxaa uu mas’uulkan sheegay in lacagta la lunsanayo ay ku filan tahay in lagu maalgeliyo mashaariicda la xariira qorshayaasha ugu waaweyn ee dowladda sida adeegyo caafimaad oo dhameystiran, sare u qaadidda wax soo saarka, guriyeynta iyo la tacaalidda cunno yarida.
Mr McCarter ayaa xusay in wax lala yaabo ay tahay in ballaayiin shilin oo loo adeegsan lahaa barnaamijyada dowladda la lunsaday.
Waxaa uu intaasi ku daray in cid walba oo musuqmaasuqa ku lug leh ay Kenyaanka ka hor istaagayso xuquuqda ay leeyihiin.
Safiirka Maraykanka ee dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in kastoo dowladda dhexe ay qaadday tallaabooyin ka dhan ah lunsashada kheyraadka dadweynaha, haddan shacabka laga doonayo inay kaalintooda ka soo baxaan oo ay caqabaddan cambaareyaan.
Amabasadoor Kyle ayaa sheegay in dadweynaha Kenyaanka ay u muuqdaan kuwo aan mas’uuliyad gaar ah iska saarin falalka musuqmaasuqa.
Waxaa uu dadweynaha ku booriyay inay dowladda garab ku siiyaan sidii shakhsiyaadka arrimahan ku lug leh loola xisaabtami lahaa.
Mr. McCarter ayaa sido kale sheegay in dowladda Maraykanka ay tababaro siinayso dacwad oogayaal iyo dambi baarayaal si loola tacaalo falalkan isa soo taraya ee saameynaya dhaqaalaha wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here