Safiirka Maraykanka oo soo dhaweeyay amar ka soo baxay madaxweynaha dalka

Danjiraha dowladda Maraykanka ku matalo Kenya Ambasadoor Kyle McCarter ayaa soo dhaweeyay amar shalay ka soo baxay madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.
Mr. Kenyatta ayaa amray in faahfaahinada dhammaan qandaraasyada la xiriira cudurka COVID19 ee uu bixiyay maamulka soo iibiyo qalabka iyo daawooyinka caafimaad ee KEMSA la soo daabaco.
Amarka madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii ay soo baxeen eedeymo ku aaddan in malaayiin shilin shilin oo loo qoondeeyay la dagaalanka cudurka COVID19 la lunsaday.
Mr. Kyle ayaa sheegay inay aad u wanaagsan tahay in daahfurnaan ay jirto.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka ayuu madaxweynaha dalka ugu mahadceliyay.
Waxaa uu xusay in sida lacagaha COVID19 loo isticmaalay oo la sharraxo ay kalsooni ku beerayso shacabka sidoo kalena ay horseedayso in Kenya iyo deeqbixiyaasha caalamka uu xiriir wanaagsan ka dhexeya.
Madaxweynaha dalka ayaa wasaaradda caafimaadka u qabtay muddo 30 cisho ah oo lagu cadeynaya sida maamulka KEMSA uu u isticmaalay kheyraadkii lagu wareejiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here