Safiirka Mareykanka oo la kulmay laba ka mid ah musharixiinta Galmudug

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamota ayaa Maanta waxaa uu Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay laba kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug,kuwaas oo kala ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Kamaal Guutaale oo kamid ah madaxda Xisbiga Wadajir.
Qoraal lagu baahiyey barta twitter-ka ee safaarada Mareykanka uu ku leeyahay muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka ay uga wada hadleen baahida loo qabo in si hufan oo cad ay u dhacdo doorashada Galmudug.
Sidoo kale Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamota ayaa shalay waxaa uu Magaalada muqdisho kulan kula qaatay Madaxda Madasha xisbiyada Qaran,isaga oo kala hadlay sida ugu wanaagsan ay ku dhici karto doorashada soo socota ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here