Safiirka Shiinaha oo sheegay in Kenya ay ka faa’iidaysan doonto tallaalka COVID-19.

Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Nairobi Ambasadoor Zhou Pingjian ayaa sheegay in xukuumada Beijing ay mudnaanta koowaad siin doonto Kenya marka tallaalka lagula tacaalaya caabuqa corona uu soo gaaro qaaradda Afrika.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu sii wadi doono taageeridda wadamada uu dhaqaalahoodu soo kobcayo gaar ahaan qaaradda Afrika.
Safiirka ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu kulan la qaatay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Mr. Odinga ayaa dhankiisa dowladda Shiinaha uga mahadceliyay sida ay uga go’an tahay in Kenya ay xal u hesho cudurka saameynta ballaaran ku yeeshay.
Raila ayaa dowladda Shiinaha sidoo kale ku ammaanay kaalinta ay ka qaadato horumarinta kaabayaasha waddooyinka ee dalka iyo guud ahaan Afrika.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay sheegtay in ilaa toban tallaal oo gacanta lagu hayo, afar ka mid ah ay ku howlan yihiin cilmi baarayaal u dhashay Shiinaha.
Ambasadoor Zhou ayaa sidoo kale Kenya u ballanqaaday taageero dhanka horumarinta warshadaha ah kaddib markii uu Raila codsaday in ay xoogga saaraan sare u qaadidda wax soo saarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here