Safiirka Shiinaha u fadhiya dalka oo u digay shirkadaha shiinaha ee ka hawlgala Kenya

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Kenya Wu Peng ayaa uga digay mas’uuliyiinta shirkadaha Shiinaha ee ka howlgala Kenya inay ka qeybqaataan nooc kasta oo musuqmaasuq ah.
Danjire Wu, oo ka hadlay intii uu socday Iskaashiga Tamarta Shiinaha ee hoos taga Belt iyo Road Initiative, ayaa sheegay in sarkaal kasta oo ku lug leh musuqmaasuq uu la kulmi doono maxkamadayn .
Waxaa uuna sheegay in Kenya kaliya aysan ahayn dagaalka lagula jiro musuqmaasuq xita Shiinaha ay ka socoto dagaalka ka dhanka ah musuqa.
Mr Wu Wuxuu sheegay in shirkadaha Shiinaha ay ka caawin doonaan Kenya iyo guud ahaan Afrika sidii ay u lahaan lahaayeen tamar la cusboonaysiin karo iyadoo la haysto kheyraadka dabiiciga ah.
waxaa uu intaas ku daray in Afrika iyo Shiinaha ay iska kaashadaan sidii loo hubin lahaa inay soo gabagabeeyaan farqiga u dhexeeya kuwa tamarta leh iyo kuwa aan lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here