Safiirka Soomaaliya ee dalka koonfur Africa oo booqday deegaanada ay rabshaduhu ka dhaceen.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Jamaal Maxmed Barrow ayaa wuxuu booqasho ku tagay deegaanka Tanbiisa oo dhaca duleedka Magaalooyinka Pretoria iyo Johannesburg halkaasoo ka mid ah meelaha boobka loogu gaystay Ganacsatada Ajaanibta ah oo ay Soomaalidu ku jiraan.
Booqashadaasi kaddib ayuu Safiirku Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Pretoria Wuxuuna sharaxay Tallaabooyinka ay Safaaraddu qaadday intii uu boobkaasi socday.

 

Danjiraha Soomaaliya ee wadanka Koonfur Africa ayaa dhanka kale hogaamiyeyaasha Jaaliyada Soomaalida ee wadankaasi ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaataan badbaadinta Nafta iyo Maalka muwaadiniinta Soomaliyeed.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay il gooni ah ku hayso xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Koonfur Afrika waxayna dowlada dalkaas ugu baaqday inay samayso waxkasta oo looga hortagi karo inay dhibaato la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wadanka koonfur Afrika Ku nool iyo maalkooda intaba.
Waxayna dowlada Soomaaliya muwaadiniinteeda uga baaqday inay feejignaan dheeraad ah markasta muujiyaan sidoo kalena ay waxkasta oo soo kordha la socodsiiyaan Safaaradda dowlada Soomaaliya ay ku leedaha wadanka koonfur Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here