Safiirka Sweden oo la kulmay wasiirka maaliyadda Soomaaliya

Siihayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Magaalada Muqdisho wuxuu ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaay uga wada hadleen Arrimo ay kamid ahaayeen isbadalka Maaliyadda dalka Soomaaliya iyo taageerada ay Sweden siiso Dowladda Federal ka Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.
Dowladda Sweden ayaa waxaay kamid tahay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya, waxaana inta badan Safiirkooda uu la kulmaa Madaxda kala duwan ee dowladda Soomaaliya, isagoo kala hadla arrimaha taageerada Soomaaliya ee dalkiisu uu siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here