Safiirradda Kenya ee Shiinaha oo ka hadashay dhibaatooyin la soo tabiyay

Safiirradda Kenya ku matasho dalka Shiinaha , Sarah Serem ayaa beenisay warar la faafiyay oo lagu sheegay in qaar ka mid ah muwaadiniinta dalka ee ku sugan Shiinaha oo la sheegay in guriyahooda oo laga soo saaray kaddib ay dantu ku khasabtay inay waddooyinka seexdaan.
Ms Serem ayaa sido kale waxba kama jiraan ku tilmaantay in dowladda aynan wax u qaban shacabkeeda gudaha dalkaas ku dhibaateysan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in safaaradda Kenya ay tallaabooyin dhowr ah qaadday.
Waxay sheegtay in safaaradda Kenya ee Shiinaha ay canbaareysay sida loola dhaqmay Afrikaanka.
In sido kale wax laga qabtay howlaha karantiilka oo aan si caddaalad ah aan loo sameyn.
Safaaradda ayaa qurbajoogta dalka ee halkaas ku sugan sido kale u bandhigtay in la caawin karo hadii ay doonayaan in la soo daadgureeyo.
Ms Serem ayaa sido kale caddeysay inuunan jirin Kenyaan ku nool Shiinaha oo hooygiisa si khasab ah looga saaray.
Toddobaadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalo laga dhex arkaya dad Afrikaan ah oo jiifa waddooyinka magaalada Guangzhou .
Magaaladan oo ka tirsan gobolka koonfureed ee Guangdong ayaa waxaa ku nool ilaa 7,000 oo Kenyaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here