Sakaja oo la xiray kadib markii uu ilaalin amarka bandowga xilliga habeenkii

Senetarka ismaamulka Nairobi ,Johnson Sakaja ayaa xalay ku hoyday xabsiga kadib markii lagu helay dembi ah inuunan ilaalin amarka bandowga xilliga habeenkii dalka ka jiro si looga hortagga faafitaanka cudurka Covid-19.
Mr Sakaja ayaa waxaa lala qabtay seddex shakhsi kale kadib markii lagu qabtay iyagoo khamri ku cabaya goobta la yiraahdo Ladies Lounge ee deegaanka Kilimani ee magaaladatan Nairobi abaara saacadu markii ay ahayd 1-dii habeenimo.
Booliska ayaa sheegay in ay aadeen goobta uu ku caweenayay senetarka kadib markii ay heleen warbixin ku saabsan in makhaayada ay furan tahay xilli dambe oo habeenki ah.
Waxay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen 10 qof oo kale uu ku jiro Mr Sakaja.
Booliska ayaa dhanka kale sheegay in qaar kale baxsadeeen.
Mr Sakaja ayaa saaka lagu siidaayay damaanad bilaash ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here