Sakaja oo sheegay inuu diyaar u yahay qabashada xilka barasaabka Nairobi

Senetarka ismaamulka Nairobi ,Johnson Sakaja ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay loolan uu u galo qabashada xilka guddoomiyaha caasimadda wadanka haddii jagadaas ay bannanaato.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo Mike Sonko oo ah barasaabka Nairobi uu sheegayo in maamulka uu weli si buuxda gacantiisa ugu jiro in kastoo uu eedeymo musuqmaasuq wajahayo.
Mr .Sakaja ayaa carrabka ku dhuftay in shacabka Nairobi badankoodu ay doonayaan in sidii caadiga ahayd loogu adeego oo howlaha xarunta City Hall ay si habsami leh u socdaan.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in marka la eego xaaladda hadda taagan haddii xafiiska Sonko uu faaruq noqdo ay lagama maarmaan noqonayso in doorasho ku celis ah la qabto.
Barasaabka Nairobi Mike Sonko iyo 15 eedeysanayaal kale oo lala xiriiriyay fadeexad la rumeysan yahay in lagu lunsaday 357.4 milyan oo shilin ayaa hadda bannaanka ku joogo damiin lacageed oo dhan 15 milyan oo shilin.
Waxaa arrinta hoggaanka ee Nairobi mid cakiran ka sii dhigtay inuunan jirin guddoomiye ku xigeen maadaama tan iyo markii bishii koowaad ee sannadkii hore uu is casilay Polycarp Igathe aan la soo magacaabin mas’uul beddelo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here