Dhageyso:Salaad Cali Jeelle oo eedaymo u jeediyay Madasha Xisbiyada Qaran

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa eedaymo wuxuu u jeediyay Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya wuxuuna sidoo kal soo jeediyay in hogaanka Siyaasadeed ay Masuuliyada Gaar ah iska Saaraan arimaha ay dantu ugu jirto dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Wuxuu ku eedeeyay Hogaanka Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya inay ka shaqaynayaan qodobo sida uu hadalkiisa u dhigay Tafaraarq Galinkara dadka iyo Hormarka dalka Soomaaliyeed intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here