Samata bixinta dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Lebanon oo weli socota

Waxaa weli dalka Lubnaan ka socdo howlagalada samata bixinta ee ay wadaan Hay’ada laan qeerta cas ee Lubnaan, Militariga wadankaasi iyo dadka sida mutadawacnimada ku shaqeeya.
Waxay baadi goobayaan dadka ku hoos jira dhismayaasha dumay ee ka agdhaw dekadda.
Saraakiisha wadankaasi ayaa sheegay in dhimashada ka dhalatay qaraxii Talaadada ay ku dhinteen ugu yaraan 137 qof, dhaawacuna uu kabadan yahay 5,000 oo qof walina laga cabsi qabo in khasaaraha uu sii kordho.
Dambi baarayasha ayaa wali ku howlan inay ogaadaan sababta keentay in magaalada Beirut uu ka dhaco qarax intaasi la eg.
Baarayaasha Lubnaan ayaa xooga saaraya suurtagalnimada ah inay jirto habacsanaan ay sameyeen shaqaalaha dekada halka dowladda wadankaasi ay amartay in xabsi guri la galiyo saraakiisha dekadda.
Golaha wasiirada Lubnaan ayaa ku dhawaaqay laba todobaad oo xaalad deg deg ah, iyadoona mas’uuliyada amni ee magaalada Beirut lagu wareejiyay militariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here