Samatabixin ka socoto Turkiga kaddib dhulgariirkii saameeyay

Waxaa weli dalalka Turkiga iyo Giriigga ka socdo howlaha samatabixinta kaddib dhul gariirkii dhawaan ku dhuftay.
Dhimashada ka dhalatay musiibadan ayaa gaartay 81.
Kooxaha gurmadka ayaa maanta labo gabdhood iyagoo nool ka soo dhex saaray burburka gurigooda oo ku yaalla magaalada Izmir oo ka tirsan Turkiga.
In ka badan 1,000 qof oo dheeraad ah ayaa ku dhaawacmay dhul gariirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here