Sanduuqa horumarinta Sacuudiga oo maalgalin ka sameeynaya gudaha dalka

Sanduuqa horumarinta boqortooyada Sacuudi Carabiya ee (SFD) ayaa oggolaaday inuu gudaha Kenya ka sameeyo maalgalin ku saabsan qorshayaasha ugu waaweyn ee dowladda dhexe.
Ajeendayaashan ayaa kala ah in dadweynaha ay helaan adeegyo caafimaad oo dhameystiran , sare u qaadidda wax soo saarka , guriyeynta iyo wax ka qabashada cunno yarida.
Sido kale maamulka Sanduuqa SFD ayaa sheegay inuu hay’adaha ka jira dalalka bariga dhexe ka dhaadhicin doonaan inay Kenya maalgashi dhaqaale ka sameeyaan.
Arrimahan ayaa shaaca laga qaaday kaddib kulan dhex maray wasiirka maaliyadda , guddoomiye ku xigeenka ahna agaasimaha guud ee SFD Dr. Khalid Bin Sulaiman Alkhudairy.
Mr. Alkhudairy ayaa xusay inay diiradda saari doonaan dhisidda guriyo taya wanaagsan oo qiimo la awoodi karo lagu degayo , waddooyinka, adeegyada korontada iyo waxbarashada.
Wasiirka maaliyadda Mr. Yattani ayaa dhankiisa maamulka sanduuqa horumarinta Sacuudi Carabiya ku booriyay inuu sido kale eego wax ka qabashada cunno yarida , wax soo saarka iyo caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here