Sannadguuradii koobaad ee dilkii wariye Jamal Khashoggi oo maanta ku beegan

Waxaa taariikhdan oo kale sannad ka hor qunsuliyadda boqortooyada Sacuudi Carabiya ee magaalada Istanbul dalka Turkiga looga takhalusay wariye caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Jamal Khashoggi.
Suxufigan oo u dhashay Sacuudiga ayaa maqaallo uu ku dhaliilayo siyaasadda hoggaanka ugu sarreeya ee boqortooyada ku qori jiray wargeyska ka soo baxa gudaha Maraykanka ee The Washington Post.
Sannad kaddib weli ma cadda ciddi dilkaasi gaysatay in kastoo qaar ka mid ah wadamada caalamka sida Turkiga ay ku eedeyeen Sacuudiga.
Dhawaan ayay ahayd markii dhaxalsugaha Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan uu beeniyay inuu isaga bixiyay amarkii lagu dilay Jamal Khashoggi hasa ahaate waxaa uu xusay inuu mas’uuliyadda qeyb ku leeyahay maadaama maamul uu ka tirsanyahay la farfiiqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here