Saraakiil dhac geystay oo gacanta lagu dhigay

Taliyaha saldhigga booliska ee Boya iyo 4 sarkaal kale ayaa lagu haaya saldhigga dhexe ee ismaamulka Kisumu iyaga oo loo haysto eedeymo la xiriira inay khamri ka boobeen baabuur xiligaasi shil galay.
Taliyaha booliska deegaanka Nyando Leonard Matete oo hoggaaminayay howlgalkan saraakiisha lagu soo qabtay ayaa xaqiijiyay inay cabasho ka heleen shaqaalihii saarnaa gaariga xamuulka oo ay saraakiishaan boobeen.
Mr Matete ayaa sheegay in howlgalada ay sameeyeen ku soo heleen 72 dhalo oo khamri ah.
Saraakiishaan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay William Cheruiyot, Jane Chepkemei, Bernard Macharia, Samuel Maina iyo Rodrick Laushuset waxaa dhamaantood haatan lagu haaya xaafiiska waaxda dambi baarista DCI-da ee Kisumu.
Wuxuu intaa ku daray inay ceeb tahay in halkii ay ciidamada ilaalin lahaayeen hanti dadweynaha ay iyaga boobayaan.
Mar uu la hadlayey idaacadda maxaliga ee Radio Ramogi, ayaa waxaa uu sheegay in adeegga booliska qaranka uusan u oggolaan doonin ficil caynkan oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here