Saraakiil ka tirsan dowladda ismaamulka Nairobi oo tagaya xarunta EACC

Waxaa maanta la filayaa in xarunta dhexe ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ee magaaladatani Nairobi ay iska xaadiriyaan 15 sarkaal.
Saraakiishan ayaa isugu jiro kuwo hadda u shaqeeya dowladda ismaamulka Nairobi iyo xubno horay uga tirsanaa.
Waxaa dhammaantood la weydiin doonaa su’aalo ku saabsan maareynta kheyraadka dadweynaha.
Go’aanka ay EACC qaadatay ee loogu yeeray ayaa yimid kaddib markii ay soo baxday fadeexad ku saabsan mashruuc garoon cayaareed looga dhisayo xaafadda Dandora ee caasimadda dalka.
Shalay ayay ahayd markii guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Mike Sonko uu dhanka kale shaaca ka qaaday in xilka uu hayo uu iska casilayo haddii lagu caddeeyo inuu ku lug lahaaday falalka wax isdabamarinta ee lagu lunsado kheyraadka dadweynaha loogu adeego.
Mr. Sonko ayaa arrintan ka hadlay xill uu marti ku ahaa idaacadda Radio Citizen wuxuuna dhaliilay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Barasaabka caasimadda dalka ayaa sheegay in saraakiisha guddiga EACC la doonayo inay waajibaadka loo igmaday u gutaan si daacad ah oo aan ahayn bartilmaameedsi gaar ah.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inuu si weyn ula dagaalamayo musuqmaasuqa balse marnaba uu oggolaan doonin in sida uu hadalka u dhigay laga mashquuliyo shacabka soo doortay iyadoo aan wax caddeyn ah loo soo bandhigin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here