Saraakiil ka tirsan KRA oo lagu eedeyay laaluush qaadasho oo lagu qabtay Kilifi

Ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta ayaa waxaa lagu qabtay laba sarkaal oo ka mid ah maamulka canshuuraha ee dalka ee KRA .
Mas’uuliyiintan ayaa lagu eedeeyay inay laaluush dhan 20,000 oo shilin ka qaateen muwaadin Kenyaan ah iyo qof kale oo u dhashay dalka Tanzania.
Ciidamada ammaanka ayaa sheegaya in eedeysanayaasha hadda lagu hayo saldhigga booliska ee deegaanka Malindi halkaas oo ay baaritaano ka socdaan ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here