Saraakiil loo haysto qandaraas la bixiyay oo lagu xiray Kilifi

Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa maanta waxay xabsiga u taxaabeen madaxii hore ee waaxda caafimaadka ee ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta Dr Timothy Malingi iyo laba sarkaal oo kale.
Waxaa mas’uuliyiintan loo haysta qandaraas la sheegay inaan qaabka haboon loo bixin.
Sido kale waxay wajahayaan eedeyn la xiriirta inay lunsadeen hantida dadweynaha.
Labada eedeysane ee kale ayaa ah agaasimayaasha shirkadda Skyward Agencies.
Saraakiisha ayaa baaraya qandaraas la bixiyay oo ku kacayay 23 milyan oo shilin xilligii miisaaniyad sannadkeedkii 2016/2017-kii.
EACC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Malingi ,Cornell Otieno iyo Jackline Atieno lagu soo oogi doono dacwado ku aaddan inay ka tallaabsadeen shuruucda dastuuriga ee u degsan soo iibsashada qalabka, hanti dadweyne oo ay si sharci darro ah ku heleen iyo dokumeentiyo ay ka been sheegeen.
Maalinka berri ayaa lagu wadaa inay saddexda eedeysane ka soo hormuuqdaan maxkamadda deegaanka Malindi qeybteeda dhageysato kiisaska la xiriira musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here