Saraakiil musuqmaasuq loo xiray ismaamulka Nandi

Baarayaal ka socda Guddiga La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa xiray shan sarkaal oo hore iyo kuwa hadda ah oo ka tirsan dowladda ismaamulka Nandi kaddib markii lagu eedeeyay in ay lunsadeen hanti ka badan 19 milyan oo shilinka dalka.
Tuhmanayaasha waxaa kamid ah Leah Jelegat iyo Wilson Yebei oo hadda ka shaqeeya waaxda beeraha ee dowladda hoose ee Nandi.
Saddexda kale ee iyaguna lagu helay falal musuqmaasuq ah waa mas’uuliyiin hore ee ka tirsanaa xukumada dowlad deegaanka Nandi.
Sida laga soo xigtay madaxa EACC Twalib Mbarak, ayaa sheegay in mas’uuliyiintaas ay sameeyen ku takrifal awoodeed iyo lunsasho hanti dadweyne.
Waxaana la filaya in eedeysanayaasha la soo taago maxkmadda si loogu soo oogo dacwad ka dhan ah musuqmaasuq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here