Saraakiisa caafimaadka Mombasa oo mesha ka saaray kiisa la xiriira caabuqa COVID-19

Saraakiisha caafimaadka ee Ismaamulka Mombasa ayaa mesha ka saaray cabsi laga qabay kiis ku sabsan qof qaba caabuqa corona virus kaas oo kusugna hoteel loo dalxiis taga oo ku yaala magaalada mombasa.
Sarkaalka ugu sarreeysa wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Mombasa, Khadija Shikely ayaa sheegtay, in uusan jirin kiis la xiriira qof qaba fiirusiga.
Bishii la soo daafay ayey ahayd markii arday kenyaan ah oo ka soo laabtay Shiinaha lagu karantiilay isbitaalka qaran ee Kenyatta in kastoo markii dambe la xaqiijiyay inuunan caabuqa Corona qabin.
Dowladda ayaa sido kale sheegtay inay xakameyn doonto safarrada lagu tago iyo duulimaadyada ka imaanaya wadamada uu saameeyay caabuqa Coronavirus.
Waxaa muddo 14 cisho ah la karantiili doonaa dadka ka yimaada wadamada Talyaaniga, Iiraan iyo Kuuriyada Koonfureed.
Caabuqa Corona ayaa ilaa iyo hadda waxaa uu galaadftay nolosha ilaa 3100 oo qof wuxuuna saameeyay 90,000 guud ahaan caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here