Saraakiisha amaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qayb galay kulan looga hadlayay Amniga Muqdisho.

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ka dhacay kulamo looga arinsanayay amaanka Caasimada iyo deegaanada Hoose yimaada.
Kulankaan oo looga hadlayay Xaqiijinta amniga Caasimadda ayaa,waxaa shir guddoominayay Gudoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay taliyeyaasha Ciidamada qalabka Sida, gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Xooga Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), Taliyaha Ciidama Booliska Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko), Taliyaha Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Guddoomiye kuxigeenka amniga & Siyaasada Gobolkan Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.
Kulanka ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray dardar gelinta howlgallada sugida Amniga ee ka socda Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo la-xisaabtanka Hay’adaha Amniga Soomaaliya ee howlgallada ka wada Magalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday Talaabo Ciidamada Ammaanka dowlada Soomaaliya ay Shaqsi lagu Magacaabo Bishaar Cabdirisaaq Maxamed ugu xireen fal lagu dilay Haweeneey meydkeeda laga helay Hotelka Caamir oo u dhow Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho.
Gabadhaas oo lagu Magacaabi jiray Suleeqo Yuusuf Axmed ayaa maydkeeda laga helay Hoteelka walina lama oga sababta loo dilay.
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen Shaqsi lagu eedeynayo dilka Suleeqo Yuusuf Axmed oo dhowr cisho ka hor meydkeeda laga helay Hotel Caamir oo ku yaalla agagaarka Isgoyska Baar Ubax ee Magalada Muqdisho.
Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ciidamada Hay’adda dambi-baarista CID-da ay kiiskaas u hayaan qof Magaciisa lagu sheegay Bishaar Cabdirisaaq Maxamed, oo baaritaano ay ku socdaan.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ka dhacayay kulamo looga hadlayay Amniga Caasimadda,waxaana kulamadaas inta badan hay’adaha Amniga ay kusoo bandhigayeen dardar gelinta howlgallada ay ka wadaan Magalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here