Saraakiisha ammaanka ee Burundi oo dilay rag hubeysan

Ciidamada booliska ee dalka Burundi ayaa sheegay inay dileen ugu yaraan 14 qof oo hub sitay.
Dadka laga takhalusay ayaa lagu eedeyay inay qorsheynayeen inay weerar gaystaan.
Ilo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in howlgallada lagu dilay burcadda laga fuliyay degmada Musigati ee gobolka Bubanza.
Afhayeenka ciidamada booliska ee dalkaasi Moise Nkurunziza ayaa warbaahinta dowladda Burundi ee RTNB u sheegay in dableyda ay ka soo gudubtay dhanka jamhuuriyadda dimuqaradiyadda Congo ee DRC.
Sannadkii hore ayay ahayd markii gudaha wadanka Burundi lagu dilay ugu yaraan 26 qof halka qaramada midoobay ay bishii hore soo saartay digniin ah in dalkaas uu qarka u saaran yahay aargoosi qabiil salka ku haya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here