Saraakiisha ammaanka ee Narok oo loogu baaqay inay ka feejignaadaan falalka argagixisada

Ciidamada ammaanka ee ka howlgalo dowlad deegaanka Narok ayaa loo soo jeediyay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan kaddib markii kulan saddex maalmood socday laga soo saaray digniin la xariirta falalka argagixiso.
Kulanka ayaa looga hadlayay sida looga hor tagi karo dhacdooyinka xagjirnimada ku saleysan.
Waxyaabaha la isla soo hadal qaaday waxaa ka mid ah in dhalinyarada ku nool Narok haddii aan wacyi gelin ballaaran loo sameynin la duufsan karo.
Laamaha ammaanka ayaa si gaar ah isha ugu hayo meelaha inta badan ay ka dhacaan dagaalada ku saleysan qabiilka si dhalinyarada aanan looga dhaadhicin inay ku biiraan kooxaha xagjirka ah oo mararka qaar qiil ka dhigta inay xallinayaan dhibaatooyinka bulsho.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Narok Mr. George Natembeya ayaa sheegay inkastoo howlaha ammaanka ay ka mid yihiin waajibaadka dowladda dhexe haddana xagjirnimada ay ka billaabato deegaanada hoose.
Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii dowladda Kenya ay soo bandhigtay istaraatiijiyadda qaran ee lagula dagaalamayo xagjirnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here