Saraakiisha ammaanka oo lagu amray inay dhaqangeliyaan go’aamo lagu dhawaaqay

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo iskuduwidda howlaha qaranka Dr. Karanja Kibicho ayaa maanta saraakiisha Dowladda dhexe u qaabilsan fulinta amarrada heerka ugu sarreeya ilaa iyo tuulooyinka ku amray inay si buuxda u dhaqangeliyaan go’aan kasta oo lagu dhawaaqay oo looga gol leeyahay in looga hor tago in la isku gudbiyo cudurka Covid-19 ee ilaa iyo hadda 15 kiis oo la xiriira lagu arkay gudaha wadanka.
Dr. Kibicho ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay u muuqatay in hadii uu qofku jeclaysto oo keliya uu u hoggaansamaya amar dowladeed.
Xogyahaya ayaa carrabka ku adkeeyay in wixii ka dambeeya saqda dhexe ee caawa aynan jiri Karin kaniisad , masaajid ama goob la isugu yimaado oo furan.
Waxaa uu xusay in saraakiisha Dowladda gaar ahaan kuwa ammaanka laga doonayo inay tallaabo qaadaan.
Dr. Kibicho ayaa shaaca ka qaaday in mas’uulkii aan deegaankiisa amarradan laga fulin si shakhsi ah loola xisaabtamaya.
Munaasabadaha aaska waxaa ka qeyb galaya oo keliya qaraabadda ugu dhow qofka dhintay kamana badnaan karaan 15 qof.
Sido kale waxaa mamnuuc ah in la isugu yimaado aroosyada , xafladaha dhalashada ee ay dadka qaar dhigtaan iyo nooc kasta oo isku imaatin dadweyne ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here