Saraakiisha caafimaadka dalka oo sheegay inay 14 maalmood kaddib shaqa joojin ku dhaqaaqayaan

Howlwadeenada caafimaadka ee dalka qeybahooda kala duwan ayaa soo saaray digniin ay u dirayaan dowladda oo ah in 14 cisho kaddib ay shaqa joojin qaran guda galayaan.
Saraakiishan ayaa isugu jiro kalkaaliyayaal , kuwa daawooyinka bixiya, howladeenada ka shaqeeya sheybaarrada, farmasiyaasha, khuburrada ku takhasusay nafaqada iyo kuwo kale.
Waxay wacad ku mareen in 18-ka bishan ay shaqa joojin billabayaan hadii dowladda aynan xallin arrimo dhowr ah oo ay tabanayaan.
Guddoomiyaha dalladda ay ku mideysan yihiin aqoonyahannada caafimaadka ee dalka ee (KHPS)Maxamad Duba ayaa carrabka ku dhuftay in dowladda ay gacan bidixeysay xilli ay naftooda halis u gelinayaan la tacaalidda cudurka Covid-19.
Howlwadeennada caafimaadka ee dalka ayaa sido kale dalbanaya 30,000 oo shilin oo lacago gunnooyin ah.
Xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta ee qaabilsan bixinta daawooyinka ,George Gibore ayaa sheegay in qaar ka mid ah xubnaha ururka uu hoggaamiyo aan la dallacsiin in ka badan 10 sano.
Dhakhaatiirta ayaa sido kale sheegay inay khasab tahay in dhammaan ay helaan qalabka la isaga badbaadiyo cudurka marka bukaan uu saameeyay la daaweynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here