Saraakiisha caafimaadka Kenya oo heegan sare la geliyay kaddib cudurka Ebola oo lagu arkay Uganda

Howlwadeenada caafimaadka dalka gaar ahaan kuwa ku sugan ismaamulka Busia oo xad la leh wadanka dariska ah ee Uganda ayaa heegan sare la geliyay.
Arrintan ayaa timid kaddib markii kiis la xariira caabuqa Ebola laga soo tabiyay Uganda.
Waxaa sare loo sii qaaday baaritaanada ka dhanka ah cudurkan ee lagu sameynayo dadweynaha isaga gudbaya labada dal ee dariska ah.
Mid ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee ismaamulka Busia laguna magacaabo Joshua Arusei ayaa warbaahinta u sheegay inay baaritaano ku sameyeen in ka badan 300 oo qof.
Waxaa si gaar ah loo eegaya xaaladda caafimaad ee dadka ka yimid wadamada Uganda, Rwanda, Burundi, jamhuuriyadda dimuqaradiyadda Congo ee DRC iyo Suudaanta Koonfureed ka hor inta aynan dalku soo gelin.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka oo bayaan soo saartay ayaa dhanka kale digniin u dirtay dhammaan dadweynaha iyo dhakhaatiirta gudaha wadanka ka howlgalo oo lagu wargeliyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
Waxaa shacabka lagula taliyay in hadii ay arkaan kiisas ay uga shakiyaan cudurka Ebola ay ku wargeliyaan xarunta caafimaad ee ugu dhow ama ay wacaan nambarakada kala ah 0732 353535 ama 0729 471414.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here