Saraakiisha dambi baarista dalka oo gacanta ku dhigay Hub

Baarayaal ka tirsan saraakiisha waxda dambi baarista ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay ila lix qori iyo 169 oo rasaas ah.
Ciidamada dambi baarista oo ay wehliyaan ciidamada booliska saldhiga Nginyang ayaa hubkan ku soo qabtay Rondo ay ku marayeen wadada xariirisa Chemoligot – Marigat ee ismaamulka Baringo halkaasoo ay kala kulmeen mooto ay kaga shakiyeen in hub lagu waddo.
Markii laga shakiyay dadkii sarnaa mootada waxaa ay danta ku khasabtay inay baxsadaan waxaana ay ciidamada arkeen boorsad ay hub ku wadeen.
Qoriyaha la helay waxaa ay ka koobnaayeen G3 iyo qoriga loo yaqaano AK47 .
Laamaha ammaanka ayaa hadda ku raad jooga dambiilayaasha lagu helay hubka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here