Saraakiisha dambi baarista oo xiray burcad gawaari dhacay

Afar qof oo lagu eedeeyay in ay gawaari ka xadeen magaalada xeebta ah ee Mombasa iyo caasimada dalka Nairobi ayaa gacanta lagu soo dhigay sida ay sheegeen waxda dambi baarista ee DCI-da.
Dadka loo qabtay falkan saddex ka mid ah waxay ka tirsanayeen burcad dambiilayaal ah oo dhac u gaysta dadka.
Burcadan ayaa si farsamo leh dadka uga dhacaa gawaarida kaddib marka ay kiraystaan baabuurta iyagoona iska dhigayaa dad macamiil ah kuwaas oo darawalka ku qasbaa inuu dhiibo furaha gaariga.
Agaasimaha waaxda dambi baarista ee dalka George Kinoti ayaa sheegay baabuur la xaday labo bil ka hor ay ciidamada ka soo heleen ragaas gacanta lagu dhigay.
Mr Kinoti ayaa sheegay in burcaddan lagu qabtay ismaamulada Kilifi iyo Kajiado.
Sido kale ciidamada dambi baarista ayaa xiray nin lagu arkay muuqaal Vedio ah kaas oo jabinayaa muraayadda baabuur yaalay wado ku taala Nyali isagoona kala baxay waxyaabo qaali ah.
Ninkan baabuurka jabsaday oo lagu magacaabo Boris Mutua Malai ayaa lagu xiray isaga oo ku sugan hoygiisa uu ka dagan yahay Mombasa gaar ahaana xaafadda Kiembeni .
DCI-da ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda Tuwitarka ku xaqiijiyay inay xireen dambiilaha dhaca gaystay.
Waxaa tan iyo markii uu dalka galay xaaladda CoronaVirus waxaa sii kordhay burcadda dadka dhaca u gaysanayaa kuwaas oo ugu dambeyn gacanta lagu soo dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here