Saraakiisha IEBC oo 1.2 milyan ku bixiyay la tacaalidda cudurka Covid-19

Saraakiisha sar sare iyo shaqaalaha kale ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa dhaqaale gaaraya 1.2 milyan oo shilin waxay ku biiriyeen kheyraadka loo adeegsanayo wax ka qabashada cudurka Covid-19 ee dalka iyo guud ahaan dunida saameeyay.
Lacagtan ayaa lagu kordhinaya sanduuqa gurmadka qaran ee dhawaan la aasaasay si looga hor tago faafitaanka cudurka sido kalena loo yareeyo saameynta ka dhalan karto.
Sii hayaha xilka xoghayaha guddiga IEBC ,Marjan Xuseen Marjan ayaa warqad uu shalay u qoray guddoomiyaha guddiga maamulo sanduuqa gurmadka qaran , Jane Karuku ku sheegay lacagta ay bixinayaan.
Kenya ayaa dadaal ku bixinaysa la tacaalidda cudurka ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay 216 kiis oo la xiriira , 41 qof ay ka bogsadeen halka 9 kalena ay u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here