Saraakiisha ismaamulka Nairobi oo loo qabtay 48 saacadood si ay qashinka uga uruuriyaan caasimadda

Guddiga maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA ayaa muddo 48 saacadood ah u qabtay dawladda hoose ee ismaamulka Nairobi si ay qashinka uga uruuriyaan caasimadda ama haddii kale tallaabo sharci ah laga qaadayo.
Guddigan oo maareeya deegaanka ayaa gelinkii dambe ee Arbacada barta twiitarka kusoo qoray in dawladda uu hoggaamiyo Mike Sonko ay haysato labo maalmood si ay qashinka uga uruuriso caasimadda.
Sido kale waxaa saraakiisha ismaamulka Nairobi la amray inay warbixin ka qoraan arrintan isla markaana ay u soo gudbiyaan guddiga NEMA haddi kale tallaabo sharci ah laga qaadayo.
Balse guddiga ma uusan shaacin cida la marsiinayo ciqaabta.
Dhawaan ayey ahayd markii saraakiisha ka shaqeeya nadaafadda caasimadda wadanka gaar ahaan kuwa qashinka uruuriyo ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen.
Shaqaalahaas oo aan helin mushaarkoodi ayaa inta badan ka shaqeen jiray bartamaha caasimadda.
Bishii lasoo dhaafay ayaa dawladda hoose ee ismaamulka Nairobi waxaa ay sheegtay inay qandaraas cusub oo hal sanno ah la gashay waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS balse aan weli caddeyn in tallabaadasi ay dhaqan gashay.
Meelaha uu sida weyn u saameeyay qashinka ayaa waxaa kamid ah wadada Kimathi street, Moi Avvenue iyo Kenyatta Avenue.
Hawsha nadaafadda iyo qashin uruurinta ayaa waxaa ay hoos imaataa wasaaradda deegaanka ee ismaamulka Nairobi, waxaana jiray eedeymo dhowr ah oo loo jeedinayay barasabka caasimadda Mike Sonko kaas oo lagu eedeeyay in uu ka caga jiidayo shaqadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here