Saraakiisha taraafikada Tanzania ee xulusta leh oo waajibaad kale loo dhiibaya

Sarkaal taraafik oo kala hagaya baaburta

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Tanzania George Boniface Taguluvala ayaa abaanduulaha booliska ee wadankaas Simon Sirro ku amray inuu shaqooyin kale u dhiibo ciidamada baabuurta kala haga ee loo yaqaano taraafikada ee xulusta leh.
Wasiirka ayaa sida uu hadalka u dhigay sheegay in saraakiishaas aynan u qalmin inay waddooyinka ka howlgalaan.
Xilli uu ka hadlay munaasabad ku saabsan badqabka dhanka waddooyinka ee lagu qabtay magaalada Dodoma ayuu Mr. George yiri sideey calooshaada u weynaan kartaa adigoo sarkaal taraafika ah.
Sannadkii 2018-kii ayay ahayd markii taliyaha booliska ee dalka Pakistan Habibur Rehman uu amray in dhamaan ciidamada taraafikada ee xulusta leh ay sida ugu dhaqsiyaha badan cuntada isaga yareyaan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here