Saraakiisha waaxda dambi baarista oo uu tababar u furmay

Waxaa maanta magaalada Mombasa ee gobolka xeebta ka furmay tababar la qorsheeyay inuu socdo muddo laba toddobaad ah oo ay qaadanayaan howlwadeenada waaxda dambi baarista ee dalka.
Tababarka waxaa bixinaysa wakaaladda qaran ee boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan la tacaalidda falal dambiyeedyada.
Saraakiisha ka qeyb qaadanaya ayaa ah kuwo si gaar ah loo soo xushay maadaama ay ku takhasuseen wax ka qabashada musaafurinta aadanaha iyo badbaadinta carruurta.
Agaasime ku xigeenka waaxda dambi baarista ee DCI-da Mr.Joseph Ashimala ayaa furay tababarka ay maalgelinayso safaaradda Ingiriiska ee Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here