Saraakisha booliska oo warbixin ka qoray isbuurashadii ka dhacday iskuulka Kakamega

Booliska aya Talaadadii warbixin ka qoray macalimiinta wax ka bara dugsiga hoose dhexe ee Kakamega iyo qaar kamid ah dadkii goob joogayaasha ahaa xili uu iskuulkaasi ka dhacay isbuurasho.
Shilkan oo dhacay maalinkii Isniinta aya waxaa ku naf waayay 14 arday halka 39 kale nah ay ku dhaawacmeen.
Taliyaha booliska gobolka Galbeedka ee dalka Mrs Peris Kimani aya sheegtay in baarayaashu ay xooga saari doonaan amniga si loo ogaado waxa sababay isbuurashada ardayda.
Waxaa ay carabka ku dhufatay in 6 ardey ah ay ku jiraan isbitaalka , iiyadoo 2 kamid ah la dhigay qeeybta dadka xaaladoodu liidata ee ICU-da halka 4-ta kale ay jiifaan qeeybta isbitaalka ee bukaanada.
Madaxa booliska ayaa ka dawaajisay in weli la garan la’aayahay waqtiga rasmiga ah oo uu dhacay shilka taas oo fududeeyn lahayd baaritaanada socda.
Waxaa weli caddeyn in macalimiinta ay ku sugnaayeen goobta ay musiibada ka dhacday.
Ardeeyda aya la sheegay in ay u galbanayeen xaafadahooda ka hor inta ay isku buuranin jaraanjarada fasalada.
Su’aalaha ku jira baaritaanada aya ah halka ay ku sugnaayeen macalimiinta markii ay arrintan dhaceysay.
Maamulaha dugsigaasi mr. Dickson Wanyangu aya warbixin kasoo qoray saldhiga booliska iyada oo ay baaritaanadu socdaan.
Saraakiisha baara dambiyada ee DCI aya kusoo biiray baaritanada lagu baadi goobayo sababti ka dambeesay in ardeeyda ay goobta ku baaba’aan.
Arrintan aya kusoo aadeysa iyada oo maalinkii shaley ahayd si ku mel gaar ah albaabada laisugu dhuftay dugsiga hoose dhexe ee Kakamega.
Qaar kamid ah hoggaamiyaaysha dalka oo uu kamid yahay madaxweyne kuxigeenka dalka William Ruto aya booqday dugsigaasi isagoo ku baaqay in baaritaano degdeg ah la sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here