Sarkaal ay Shirkadda Kenya Airways dhawaan shaqada ka joojisay oo maxkamadda aadaya

Qareenka u doodaya Gire Cali oo shirkadda qaran ee duulimadyada ee Kenya Airways ay dhawaan shaqada ka joojisay Dunstan Omari ayaa la filayaa inuu maxkamadda dacwad u gudbiyo.
Waxaa uu sheegay inuu dalban doono in dowladda ay ilaalo buuxda siiso eedeysanaha hadda baaritaanada lagu hayo maadaama naftiisu ay halis ku jirto sida uu sheegay.
Muqaalka sarkaalkan loo haysto inuu duubay ayaa lagu faafiyay baraha ay bulshada ku wada xiriirto waxaana siyaabo kala duwan uga falceliyay Kenyaanka oo su’aal geliyay sababta dowladda ay ugu ogolaatay shirkad laga leeyahay Shiinaha inay wadanka timaado iyadoo saameyn ba’an ay ka dhalatay caabuqa Coronavirus.
Shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in mid ka mid ah howlwadeenadeeda oo dhawaan shaqada laga joojiyay uu ku kacay tallaabo liddi ku ah nidaamka habboon ee badqabka.
Waxay hoosta ka xarriiqday in go’aankii shaqada si ku meel gaar ah looga istaajiyay Gire Cali uu ahaa mid sharciga dalka waafaqsan.
Sarkaalkan ayaa lagu eedeyay inuu sawir ka qaaday diyaarad ay leedahay shirkadda China Southern Airlines oo Arbacadii ka soo degtay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA, magaaladatani Nairobi.
Bayaanka Kenya Airways ee maanta ayaa lagu xusay in Gire Cali uu ka tallaabsaday hab-raaca u degsan iyo xeerarka la xiriira badqabka ee lagu maamulo garoomada diyaaradaha.
Sido kale Shirkadda ayaa sheegtay in isla maalinkaas oo ay taarikhdu ahayd 26-kii bishii hore ay warqad uga timid maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee KAA taaso lagu wargelinayay in mid ka mid ah shaqaalaheeda uu qaaday tallaabo aan habbooneyn.
Shuruucda KAA waxaa ka mid ah inay mamnuuc tahay in shaqaale uu sawir qaado xilliga shaqada.
Kenya Airways ayaa intaas ku dartay in baaritaanada ka dhanka ah eedeysanaha loo wajahayo qaab caddaalad iyo daahfurnaan ay ku dheehan tahay sido kalena inta uu shaqada ka maqan yahay uu si buuxda u helayo mushaarkiisa iyo xuquuqda kale ee dastuuriga ah.
Gire Cali ayay shacabka ku tilmaameen geesi u daneeyay dalka iyo dadka balse Kenya Airways ayaa weli ku adkeysanaysa inuu mari doono baaritaano qoto dheer oo ku aaddan tallaabada uu qaaday.
Dhanka kale Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Facebook-ga waxay dadweynaha u soo jeedisay ilaa saddex talo oo laga doonayo inay sameyeen si ay uga badbaadaan caabuqa Coronavirus ee dunida saameeyay.
Shacabka ayaa loo soo jeediyay inay si joogto ah gacmaha ugu dhaqdaan biyo iyo saabuun.
Sido kale inay iska ilaaliyaan oo aynan aad ugu dhawaan qofka qabo qandho ama qufacaya.
Wasaaradda ayaa cid kasta oo isku aragto qufac , qandho ama dhibaato dhanka neefsashada ah ku boorisay inay xilli hore raadsato daryeel caafimaad.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shacabka ku wargelisay in ilaa iyo hadda uunan jirin kiis looga shakisan yahay ama ama la xaqiijiyay oo ku aaddan cudurka uu firuusiga Coronavirus sababo ee COVID-19 kaasoo lagu arkay gudaha wadanka.
Wasaaradda ayaa xustay in laba qof lagu baaray isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaaladatani Nairobi balse aan caabuqa laga helin dadkaas.
Shacabka ayaa loogu baaqay inaynan ku dagmin warbixinada lagu faafinayo baraha bulshada ee lagu sheegay in qof cudurka qabo la dhigay isbitaalka Nairobi Hospital.
Kenyaanka ayaa walaac la xiriira caabuqa Coronavirus muujinayay tan iyo Arbacadii xilligaas oo diyaarad sidday 239 rakaab ah oo ka timid Shiinaha ay ka soo degtay gagida JKIA ee Nairobi.
Wasaaradda caafimaadka ayaa shaaca ka qaadday in 13 ka mid ah dadkaas ay wadanka u dhasheen .
Walaaca ay dadweynaha muujiyeen kaddib maxkamadda sare ayaa muddo 10 maalmood ah hakisay duulimaadyada isku xira Kenya iyo Shiinaha.
Sido kale waxay amar ku bixisay in xarun milatari lagu karantiilo dhammaan rakaabkii maalinkaas wadanka yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here