Sarkaal boolis ah oo ku dhintay shil ka dhacay wadada xiriirisa Naivasha-Gilgil

Sarkaal booliis ah ayaa dhintay kaddib markii dhugdhugley uu saarnaa ay ku dhacday gaari noociisu yahay caasi ama matatu.
Shilkan ayaa laga soo tabiyay aagga Karura ee wadada weyn ee Naivasha-Gilgil.
Taliye ku xigeenka booliska ee magaalada Gilgil ee ismaamulka Nakuru Mr Henry Mbogo ayaa sheegay in sarkaalka uu dhaawac culus ka soo gaaray madaxa ah islamarkaana uu isbitaalka ku geeriyooday.
Mr. Mbogo ayaa sidoo kale sheegay in mataatuu-da ay ku sii jeedday Nakuru halka sarkaalka booliska uu ku sii jeeday dhankii uu gaariga ka yimid.
Shilkan ayaa dhacay shalay subax.
Taliye ayaa intaa ku daray in gaariga mataatuuda uu iskudayay inuu dhaafo baabuurka xamuulka qaado ee loo yaqaano tareelaha markii uu ku dhacayay mootada sarkaalka booliiska ee dhintay uu sarnaa.
Wuxuu xaqiijiyay in sarkaal kale oo booliis ah, oo goobta ka ag dhawaa uu dhaawac fudud soo gaaray.
Mr Mbogo ayaa sheegay in rakaabkii saarnaa mataatuu-da ku sii jeedday Nakuru aysan waxba soo gaarin.
Mataatuu-da ayaa markii dambe loo jiiday saldhigga booliska ee Gilgil waxaana la billaabay baaritaano ku aaddan shilka.
Shilka ayaa dhacay maalin uun kaddib markii shan qof ay naftooda ku waayeen shil kale oo ka dhacay deegaanka Laini ee wadada weyn ee isku xirta magaalooyinka Naivasha iyo Gilgil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here