Sarkaal boolis ah oo la xiray 20 sano

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Embu ayaa xabsi 20 sano ah ku ridday askari ka tirsan ciidamada booliska ee dalka kaddib markii lagu caddeeyay inuu dilay 10 qof.
Peter Karanja ayaa dilalkan gaystay 6-dii bishii 11-aad ee sannadkii 2010 xilligaas oo uu ku sugnaa degmada Siakago ee deegaan baarlamaaneedka Mbeere.
Waxaa maxkamadda loo sheegay in sarkaalkan uu toogasho ku kacay kaddib markii uu ka soo baxay saldhiggii uu ka howlgalayay.
Waxay wararku intaasi ku darayaan inuu raadinayay gabadh ay sheeko ka dhexeysay oo uu khilaaf soo kala dhex galay kaddibna markii uu goob lagu caweeyo ka waayay uu toogasho guda galay.
Garsoore Florence Muchemi ayaa sheegtay inaynan jirin wax sabab oo qiil looga dhigi karo falka uu askariga sameeyay.
Ms Muchemi ayaa sido kale hoosta ka xarriiqday in waaxda dacwad oogista iyo dad marqaati ahaa inay soo gudbiyeen caddeymo wax ku ool oo ka dhan ah eedeysanaha.
Mr. Karanja oo uu qareen matalayay ayaa garsooraha ka codsaday inay naxariis u muujiso maadaama uu yahay aabbe keligii koriya carruur ay hooyadood dhimatay 2012-kii sido kalena uu qabo xanuun aan la shaacin hasa ahaate codsigaasi ayaynan maxkamaddu tixgelin.
Dadka uu toogashada ku laayay oo laba ka mid ah ay boolis ahaayeen ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ephatus Munyi, Rachel Muthoni, Domiciano Muchira, Kinyua Kithumbi, Friendrick Okwako, George Ng’an’ga, Kenwin Muthomi, Anthony Mwaniki, Frida Ng’endo iyo Wilfred Gitonga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here