Sarkaal boolis oo ka shaqeynayay Lafey oo loo haysto inuu xaday qalabka korontada cadceedda

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa sheegtay inay weli baaritaano ku hayso sarkaal ka tirsan ciidamada booliska dalka oo lagu magacaabo Francis Wafula kaddib markii lagu eedeeyay inuu xaday qalabka korontada cadceedda laga dhaliyo ee Solar Panel.
Askarigan oo ka shaqeynayay deegaanka Lafey ayaa laga soo qabtay degmada Isinya ee ismaamulka Kajiado.
Waxaa qalabkan lagu helay uu kala soo baxsaday ismaamulka Mandera oo uu ka howlgalayay.
Ciidamada waaxda dambi baarista ayaa kaddib xog ay ka heleen shacabka tagay hooyga eedeysanaha halkaas oo ay ku arkeen qalabka iyagoo ugu dambeyn gacanta ku dhigay sarkaalka la tuhunsan yahay.
DCI ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in marka la soo gabagabeeyo baaritaanada , eedeysanaha maxkamadda la geyn doono si dacwad loogu soo oogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here