Sarkaal boolis oo lagu cadeeyay inuu haweeney ku kufsaday Lamu oo xabsi daa’in lagu xukumay

Sarkaal boolis ah ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kaddib markii lagu helay dambi ah in uu kufsaday haweeney tagtay saldhigga booliska ee Lamu si ay warbixin u gudbiso.
Sarkaalka oo lagu magacaabo Rodgers Ouma da’diisuna tahay 28 sano jir ayaa sidoo kale lagu xukumay 10 sano dheeraad ah kadib markii lagu eedeyey in uu ku xadgudbay sharciga ee dalka halka sida oo kale lagu amray in uu bixiyo lacag dhan 400,000 oo shilin oo la siinaya haweeneydii uu kufsaday.
Dacwad oogayaal uu hor kacaya Eddie Kaddebe ayaa maxkamadda u cadeeyay in Rodgers Ouma uu dembiga galay sidoo kalena ay maxakamadda hor keeneen cadeymo buuxda oo tuusinaysa in sarkaalka uu haweeneyda oo 26 sano jir ah ku kufsaday gurigiisa oo ku yaalla Langoni Police Lines bishii Desembar ee sannadkii 2019-kii.
Dhanka kale haweeneyda ayaa dooneysa in ay kiis ka dhan ah ninkeeda ka soo qorto saldhiga booliska kaddib markii uu ku qasbay in ay isticmaasho kaniiniga ilma iska soo ridka madaama uu sheegay in ay leedahay uur aan loo baahneyn ama uusan asaga laheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here