Sarkaal boolis oo lagu cadeeyay inuu haweeney ku kufsaday Lamu

Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twittarka ku sheegtay in maxkamadda ismaamulka Lamu ay dembi ku heshay mid ka mid ah ciidamada ammaanka.
Eedeysanaha ayaa loo haystaa inuu kufsaday haweeney tagtay saldhigga booliska ee Lamu si ay warbixin u gudbiso.
Dacwad oogayaal uu hor kacaya Eddie Kaddebe ayaa maxkamadda u cadeeyay in Rodgers Ouma uu dembiga galay.
Waxay saraakiisha sheegeen in sarkaalka uu haweeneyda ku kufsaday gurigiisa oo ku yaalla Langoni Police Lines.
Garsoore Allan Temba ayaa sheegay in sarkaal uu kufsi sameeyay sido kalena awoodiisa ku takriifalay.
Maanta ayaa la filayaa in maxkamadda ay xukun ka soo saarto dacwadda lagu soo oogay askariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here