Sarkaal ilaalo u ahaa xildhibaan oo dilay nin waridiye ah

Dennis Wainaina,oo ah sarkaal ilaalo u ahaa xildhibaanka Githunguri Gabrial Kago ayaa gacanta lagu dhigay ka dib markii uu toogasho ku dilay nin wardiye ahaa.
Askariga ayaa ku dilay waridiyaha goob baar ah oo ku taal magaalada Kiambu.
Dad ka agdhawaa goobtii ay dhacdadan ka dhacday ayaa sheegay in askariga ilaalaha u ahaa xildhibaanka iyo wardiyaha baarka ay murmeen taas oo keentay in askariga uu dhawr rasaas ku furo ninka.

 

Ninka wardiyaha ah ee la dilay ayaa la sheegay inuu diiday inuu xili dambe oo habeen ah guriga ka furo sarkaalka.
Ciidamada saldhiga booliska Kiambu oo soo gaaray goobtii lagu toogtay ilaalaha ayaa waxaa ay isbitaalka ula carareen ninka la toogtay oo dhiigbaxaya balse nasiib daro wax yar un ka dib waa uu dhintay.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here